SAWIRO:- Madaxweyne Deni oo Abaal Marino Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha K/Galbeed iyo Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Abaal Marino iyo hadiyado dhiirigelina Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirada Maamulladaasi ee qaybta ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee shirka wada-tashiga caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgashay.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa abaalmarino dhiirigelina guddoonsiiyey Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey isaga iyo wefdigiisa muddadii ay Garoowe ku sugnayeen.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wefdiga labada Madaxweyne ku bogaadiyey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa ay hoosta ka xariiqeen in Puntland diyaar u tahay iskaashi iyo xiriir dhaxalgal ah oo sadexgeesood ah, kaasi oo dhexmara Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland.