KUWAAN QIRIN UNA MAHAD CELIN DADKA U SAMEEYAY WANAAG MA QIRAAN KUMANA SHUKRIYAAN NICMADA UU RABBIGOOD SIIYAY.

0


Waxaad halkan ka arkaysaan sawirada madaxda ciidanka nabad galyada soomaaliyeed booliiska oo kala ah Taliyaha Bashiir iyo Taliye ku xigeenka boliiska Zakiya. oo ah laba ku sifoobay sadex arimood oo kala ah sidan hoos ku qoran.

1.Wadaniyad dhab ah oo ay jecelyihiin dalkooda diintooda iyo dadkooda

2. Aqoon durugsan fiiro iyo feejignaan qodo dheer tanoo rabbi siiyo adoomadiisa midkuu doono maanshaa allaah.

3.Hawlkarnimo ay ku dheehantahay xirfad aqoon ah shaqadooda oo ay dhab u garanayaan ugutaana si hufan

Intay hada labadan masuul xilka hayaan,markaan dib u jaleecno dhibaatooyinkii kataagnaa caasimada dalkeena ee MOGDISHO oo soomaaliya dadka kunool iyo kuwa dibadaba oo lagu daray caalamka oo dhan ay u yaqiineen meel hoogtay oo halaagantay oo basharka lagu xasuuqo oo noqotay kawaan lagu qalo aadamaha illaahay karaameeyay, maanta waad aragtaan isbadalka cad ee muuqda ee ay heshay caasimadii dalkeena MOGDISHO.

Masaajidii lagu tukan waayay,tafsiir laga akhrin waayay,iskoolaadkii iyo jaamacaadkii naxdin iyo goormaa lagu dili ardada ku haysatay, aqoon yahanada cilmi baaris la cadeeyay waxay sheegaysaa in ardayda cabsanaysaa guul aysan ka keenayn tacliinta maxaa yeelay qayb maskaxda kamid ah ayaa markuu cabsado oo walwalo ardaygu siidaynaysa dhaacaano ka dhasha arinkaas kasoo keena fahmo daro iyo maskax guur waxa uuna qofku u baahan yahay gar gaar caafimaad. suuqyadii hooyooyinkii iyo hablihii soomaaliyeed nabad uga adeegan waayeen,mukhaayadihii dhalinta iyo shacabka soomaaliyeed ku qaxweeyn jireen ee laga caagay,intaas oo dhan maanta sinabad ah oo xasiloon ayay shacabka MOGDISHO uugu noolyihiin sida dhigooda NAIROOBI IYO ADIS-ABABA.

Hadaba nicmadaan wax iska yimid maha,dad ayaa habeen iyo maalin utaagan ufakara naftoodii u huray.Kol haday sidan tahay waa in aan damiir yeelana wax garaanaa ugu horayna u mahad celinaa ciidankeena booliiska iyo madaxdiisa.Markaan arko wajiyada nuurka kabaxaya iyo haybada iyo quruxda illaahay siiyay madaxdeenan booliiska dhaayuhu kama jeed sankaraan illaahay haynoo xifdiyo cimiri dheer iyo camal suuban hasiiyo aduunka aakhirana jannadii fardawsaad hageeyo wadaniyiintaan noo huray naftoodii.

Dadkii magaaladeena caasimada ah shalay inagu quursanaayay ee shisheeyaha ahaa oo ina lahaa soomaaliya caasimadeeda MOGDISHO waa bahalo galeen,maanta inama orankaraan dhulkaynu iska qaadnay waana ka guulaysanay cadawgii soomaaliyeed.Waa in aan kufaanaa dalkeena iyo CAASIMADEENA MOGDISHO oo dhisanaa kol hadaynu helay ciidan sugaya amaankeena.

SHacabka MOGDISHO way soomareen dhib dawlad la aan,dil dhac iyo kufsi joogta ah sanooyin badan,dadkuna maskaxiyan ayuu u dhintay nolasha iyo geeridana makala jecla maxaayeelay colaada iyo dilkaa ku raagay mudo aad u dheer kuna riday rajo beel. sidaa daraadeed majirto siyaasi iyo afmiishaar danbe oo dawlado shisheeye lacag soo siiyeen in uu hor istaago danta shacabka oo ah in ay helaan dawladnimo nabad iyo nolol iyagoo ah soomaali. waxaan ka muwaadin ahaan u mahad celinayaa madaxda booliiska dalkeena Bashiir iyo Zakiya iyo guud ahaan ciidanka booliiska soomaaliyeed nabada ay ku soo dabaaleen caasimadeena MOGDISHO,waad mahad santihiin aad iyo aad baad u mahad santihiin.

SHacabka caasimada kunool waa ku mahad sanyihiin garab istaaga ciidankooda iyo in ay la shaqeeyaan maadaama ciidanku amaankooda iyo mustaqbalkooda u dhimanaayo. dawlad aan shacabkeedu la shaqayn meel magaarto.shacabna waxaa dan u ah dawlad ilaalisa amaankooda dadku isagaa shaqaysan waxna baran.waxaana arintaa shacabku ku heli karaa dawladnimada oo uu taageero sida caalamkaba shacab walbaa dawladiisa ugarabtaaganyahay oo uula shaqaynaayo.

Dawladnimaduna maha farmaajo iyo khayre iyo inta dawlada u shaqaysa,iyagu waa adeegayaal inoo shaqaynaaya xilkuna waa meerto,dawladnimada umada soomaaliyeed madax iyo minjo waa wada leenahay,xilbaana inaga wada saaran in aan ilaashanaa dawladnimadeena si aan u helo nabad iyo nolol dalkeenana aanu shisheeye inooga qaadan dunidaan lays gumaysanaayo.

Cadawgii mogdisho iyo shabakadii maafiyada caalamiga ah waa jabeen MOGDISHO waa nabad soomaaliyana way guulaysatay. magaaladeena Mogdisho intaynu isdilaynay ee qabiil iyo shisheeye cadaw ah u shaqaynaynay soomaaliyeey ayaa waxaa inaga hormaray oo MOGDISHADII quruxda badnayd dhaafay Nairobi iyo Adis-ababa oo labada burburkii ka hor caasimadeenu ka quruxbadnayd sida lawada ogyahay. Hadaba waa in aan dagdag u dhisanaa caasimadeena oo soo celinaa bilicdeedii inagoon ukalaharayn waayo waa dalkeenii iyo muraayadeenii,yaan kasugaynaa in uu inoo dhiso MOGDISHO?

Midna ogaada,ajar weyn ayaad ka helaysaa diiniyan in aad gacantaada ku dhisto dalkaaga adoon shilin qaadan,waayo waxaad wax taraysaa soomaali oo dhan maha in aad caawisay hal qof ama laba qof. sababtoo ah waa meel ka dhaxaysa soomaali oo dhan.waa ceebaysanahay soomaaliyeey aan ceebta iska mayro oo aan illahay ka cabsano dalkeenana ka dayno caasinimada iyo burburinta. waana waajib in aan dawlada taageero xataa haday xuntahay maxaayeelay wax ka xun majiro dawlad la aan siday diintu qabto.

Bal daqiiqad kafakar,ciidan beeleed iyo ciidankaa quruxda badan ee ka kooban soomaali oo idil oo mideeyay cududooda miyaa siman?maya weeye hadaba ogoow waxaad qiimo qofeed yeelanaysaa adigu markaad leedahay dawlad ciidan mid ah oo soomaali ah maya qabiil. cadawga soomaaliyeed majecla dawlad nimadeena wada jirkeena iyo walaal nimadeena. waxay jecel yihiin in ay inaga dhigaan kuwa loo kala qaybiyay,qabiil qabiil iyo maamulo yaryar oo salku qabiil yahay mid walibana layiri dawlad baa tahay iyo madaxweyne!! macnahaas waxaa weeye hayeelanina waligeen dawlad dhexe oo xoogleh iyo dalmidaysan oo xor ah.

Waxoogaa yar qiraa igu jirta aadna waan u faraxsanahay,waxaan ku faraxsanahay CAASIMADA DALKAYGA MOGDISHO oo shacabkii soomaaliyeed helay nafis iyo nabad anoo aad uga calool xun dhibkay soomareen ee cadawga isbiirsaday ugaystay shacabkaa masaakiinta ah modo 29 sanadood ah.Laakiin maanta waa baraarugnay oo shacabkii iyo dawladii ayaa isla jaan qaaday kana adkaaday cadawgoodii.shabaabka iyo shabaab kalkaalka iyo cidkastoo ka hortimaada dawladnimada soomaaliyeed shacab iyo dawlad ukala harimayno waa dilaynaa maha in la geeyo xabsi kuwaas.

qofka shacabka ah ee dawlada raba,laakiin danbi ka dhaco kaasaa xabsi ah,kan diidan dawladnimada soomaaliyeed waa cadaw dilweeye malaha dawo kale maanta.kan qariya cadawga ayaa kasiixun cadawga isagaana laga bilaabayaa dilka.ninka caruurtii lagu soo tiir iyo tacab beelay ee soomaaliyeed markay jaamacadii dhameeyeen ee ay dalkooda iyo walidkood iyo naftooda anfici lahaayeen ninka qarxiyay suuro galmaha in soomaaliya aan kuwada noolaano waa in la tirtiraa isaga iyo kuwa raacsan.awalba wax dilay waayeen iyaga unbaa wax dilaayay!! hadaan tusaynaa in ayaga birta iyo xabadu karayso afkay duubtaan yaan duuban karin? sirdoon bay leeyihiin yaan lahayn sirdoon? meel aysan naga filayn baan kaga imaanaynaa xeerkuna waa dabar goyn weeye hal qof ka badbaadin mayno sinaba,shacabkuna sidaa uu shaqaynaayo iyo kasii badan ayaa laga rabaa.

Gunaanadkii illaahoow adaa mahad leh CAASIMADII DALKEENA SOOMAALIYA MOGDISHO NOO NABADEEYAY kaa abaal dhici mayno oo waxaas oo nabad ah ee aad nasiisay inkirimayno oran mayno nabad mahaysano. Waana kugu shukrinaynaa madaxda aad nasiisay ee nadifaacday.waa kugu mahadinaynaa dawladnimada aad siisay dalkayaga soomaaliya.