DHAGEYSO:- Xildhibaan Sakariye oo si adag uga hadlay Fashilkii Shirka Garowe

0

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn uga hadlay Shirkii Fashilka kusoo dhamaaday ee ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan hoggaamin karin Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaadi doonaan tilaabo deg deg ah.

Xildhibaanka ayaa xusay in ay tahay nasiib daro weyn in Madaxdii maamul goboleedyadda iyo Madaxweynaha dowladda dhexe ay heshiis gaari waayaan Muddo 10 maalmood ah.