Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Gobalka Bari

0

War qoraal ah oo kasoo baxay hawlgalka Mareykanka ee afrika ayaa lagu sheegay in duqaymo ay ka fuliyeen  Deegaano ka tirsan Gobalka Bari.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 8-dii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanada Buuraleydka Golis ee Gobolka Bari Puntland ,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Kooxda Daacish.

“Duqeymaha dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana lagu dilay13 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish  ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada  Afrika Admiral Heidi Berg.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan Gobalka Bari oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Daacish.