SAWIRO:- Dowlada Talyaaniga oo Soomaaliya ka tageereyso awood siinta shaqaalaha

0

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay dowlada Talyaaniga daaha kaga qaaday taageero dheeraad ah oo ay siineyso hay’adda shaqada adduunka ee ILO si loo taageero oo loo awood siiyo shaqaalaha Soomaaliyeed iyo ururadooda.

Munaasabadan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Safiirka dalka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Carlo Campanille oo sheegay in ay dowlada Talyaaniga ku faraxsan tahay in si gaar ah u taageerto barnaamijkan ay ILO hormuudka ka tahay si loo awood siiyo shaqaalaha Soomaaliyeed iyo ururadooda. Danjire Campanille ayaa sheegay in barnaamijkaan ay si wada jir ah u fulin doonaan hay’adda ILO iyo Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlada Federalka xildhibaan Sadiiq Warfaa oo munaasabadan goobjoog ka ahaa ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay u hayso dowlada iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiir Warfaa waxaa uu sheegay in uu xoogga saarayo sidii loola dagaalami lahaa saboolnimada, loona abuuri lahaa shaqooyin tayo leh oo dadka Soomaaliyeed wax u tara si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo horumarinta bulshada.

Madaxa horumarinta dowlada Talyaaniga Guglielmo Giordano oo ka hadlay xafladan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dalka Soomaaliya ka taageerayaan sidii dib loogu dhisi lahaa bulshada Soomaaliyeed oo u baahan nabad iyo horumar, gaar ahaan shaqaalaha iyo ururadooda oo udub dhexaad ka ah umadda Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ugu mahadceliyay dowlada Talyaaniga iyo hay’ada ILO taageerada ay u muujiyeen shaqaalaha iyo ururadooda, taasoo ah hiila aan la iloobi doonin. Dalkeena Soomaaliya waxaa uu u baahan yahay in la xoojiyo nidaamka sedax geesoodka ah ee dowlada iyo ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha si loo gaaro hanaan mideysan oo dalka lagu hormariyo.

Cumar Faaruuq waxaa uu soo dhaweeyay siyaasada cusub ee Wasiir Sadiiq Warfaa ee ku saleysan dhowrista xuquuqda shaqaalaha, abuurista shaqooyin wax tar leh iyo la dagaalanka fakhriga.