DAAWO:- Maamulka Gobalka Nugaal Oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb galay afur sharafeed uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe.

Afruka Sharafeedka ay maamulka gobalku u sameeyeen ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin Kale.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa caawa booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee magaalada Garowe si uu u xog waraysto shacabka magaalada una ogaado, isaga oo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen.