Darbiga ay Kenya ka dhisayso Beledxaawo oo bur burin lagu bilaabay

0

Sida ay qorayaan warbaahinta qaar ee dalka Kenya dadwayne careysan oo kusugan degmada Beled xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa ay burburiyeen qaybo kamid ah darbiga ay Kenya ka dhistay xadka kala qaybiyo Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka degan Beled xaawo ayaa la sheegay in ay jarjareen qaar kmaid ah siligyadii xeendaabka looga dhigay darbiga iyadoona booliska Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas kor u rideen si ay ukala cayriyaan dadka iskugu soo xoomay darbiga.

Dhisda darbiga kala qeybiyo xadka soomaaliya iyo Kenya ayaa muran badan dhaliyay iyadoona dadka ku sugan deegaanada u dhaw xadka labada dal ayaa dhawr jeer halkaasi ka dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka kala qeebiya labada dal.