QORMO:- Maafiyadda iyo Imaaradka

0

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre waa nin dhalin yaro ah aqoon yahan ah,dhal magaalo ah leh khibrad maamul iyo garashada nolasha dalka gudi hiisa oo uu ku koray kuna noolaa iyo mid dalka dibadiisaba ah.Waa nin ay ku wayn tahay jacaylka dalkiisa iyo diintiisa iyo dadkiisaba.Waa nin aan cidna uuga gaban uugana haybaysan masalxada diinta iyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Aduun waynaha oo dhan waa nin ay arkaan kartidiisa iyo shaqadiisa hufan ee u taagan yahay maalin iyo habeenba.Waa nin garanaya la shaqaynta madaxdiisa ama ha ahaato kuwa isaga xukunka dalka ee sare wada hayaan ama ha ahaato kuwa uu isagu xukumo intaba.Waanin xurmeeya oo qadariya madaxwaynihiisa sida dunida dahwladaha soo kobcaysa iyo dawladaha hore umaray ay u dhaqmaan iyadoo u jeedadu tahay u shaqaynta danta dalka iyo dadka iyagoo garbaha is haysta madaxwaynaha iyo raysalwasaaruhu.

Taanoo aan abid soomarin dalkeena soomaaliya maamul wanaagaan dawliga ah iyo wada shaqayntaan madaxda sare ee dalkeena Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre,iyadoo gaar ahaan sodankii sano ee u danbaysay la wada ogyahay,khilaaf iyo is qabqabsi joogta ah oo u dhaxaysay wada shaqaynta Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha taasoo ragaadisay geedi socodka nabad lagu soo dabaalo dalkeena iyo in dalkeenu yeesho dawlad rasmi ah oo shaqaysa.Hayeeshee hada ay tubta toosan iyo wada shaqaynta ay kusoo dabaaleen labadan wadani ee u kacay soomaaliya Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre.

Caalamku waxa uu ula heelan yahay Raysal wasaare xasan in uu siinayo taageero ciidan oo xoogleh iyo dhaqaale si uu dalkiisa u nabadayeeyo si buuxda.Waxaana uugu horeeya dawlada Turkiga ee aan walaalaha nahay oo dib u soo celisay bilawdayna dhisida xoogii dalka soo maaliyeed iyo qalabayntooda. Dawalada Turkigu waxay dhisay oo nagu garabsiinaysaa ciidanka afkrika uugu xooga badan cadawga soomaaliyana aad buu uga naxay guushaas iyo in la helay soomaaliya oo leh awood sare aayaha dhaw.

Waxani iskama iman ee waxaa horseed u ah kaalin wayna kaga jira Raysal wasaaraheena geesiga ah.waa nin dhalin yaro ah laakiin aragti fog iyo caqli fiican illaahay siiyay.Gudaha dalka khaasatan Mogdisho sida uu uga shaqeeyay taariikhda raysal wasaaraya yaashii ina soomaray nin sidaa u shaqeeyay ma jiro waa wada ogeeyn siday mogdisho ahayd caqliga saliimka ah ayaa ina siinaya in aynaan xaqiiq jirta inkirin nin walbaana siino xaqiisa iyo wax qabadkiisa. Cidii xaasidaysa ee xaqiraysa wax qabadka khayre waa mid iyadu khasaartay waayo ma qarin karaan shamso soo daahirtay.Mudane khayre Alle ha dhawree dalka gudihiisa shaqada uu ka qabtay soomaali waa ogsoontahay kuna garab taagan yihiin hiil iyo hooba.Ninragihi waa ogyahay doqoni waa mooge. dadaalkiisaas cad inagoo ogsoon dhibka kajiray guud ahaan dalkeena gaar ahaan caasimadeena Mogdisho sida ay ahayd iyo heerka ay maanta gaartay.

Mudane khayre waxaan ogsoonahay waxa kohoreeyay oo uu dhaxlay,oo ahayd khasandii dawlada soomaaliyeed oo faaruq ah,hadaan lays xaqirayn taa soomaaliyeey markhaati ayaynu u wada nahay.waana ceebtii iyo raadkii ay katageen uun yaydii eebbeheen ina dhaafshay. Maantana dawlada khayre siday usugtay dajinta iyo qaabaynta hantida dalka soo kasha iyo mida kabaxda markhaati ayaynu hadana ka nahay oo araganaa khasnadii dalkeena oo buuxda. Xafidullaah dr bayle ayaa inoo bayaaniyay nidaamka maaliyadeed ee dalkeena taasoo dawladihii aduunka iyo bangika aduunkuba cadeeyeen in ay siiyeen dawladeena soomaaliya kalsooni buuxda qaabkay u maareeyeen misaniyada dalkeena.

Dawlada mudane khayre waxay wax ka bilawday meel eber ah,waxayna maraysaa heer daymankii soomaaliya ay qarka usaaran tahay koldhaw in laynaga cafiyo maadaama aynu muujinay dadnimo shaqo badni karti iyo ilbaxnimo heerkii usareeyay ee dad laga rabay dawlad yaqaan ah. Maha wax iska dhacaya taageerida shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba ay u hayaan dawlda soomaaliyeed iyo hogaaminta xukuumada qaabka aadka u sareeya ee uu kuwado raysalwasaare khayre,inagoo hore inbadan usoo aragnay kuwo waxay dalka u qabtaan iska daayee iyagii is rifaaya sidii laba foodleey ah oo waxaro la jooga! shacabka soomaaliyeed wixii soomaray ee dhacay waa og yahay waana xisaabtamayaa. cidii dalkaan wax u qanaysa iyo kuwa hagardaamayn waa la ogyahay lama mooga.

Hogaaminta halyayga soomaaliyeed mudane khayre oo ah nin laabtiisa ay buuxisay wadaniyad shacabka soomaaliyeed ogyihiin wuxuu wax ka qabtay oo muuqda loona wada jeedaa tusaale.

1.Amaankii Caasimada iyo nawaaxigeeda

2.Ladagaalanka Musuqmaasuqa oo lagu guulaystay

3.Dhismaha ciidan qaran oo isku dhaf ah meel fiicana maraaya

4.Bixinta mushaharada shaqaalaha dawlada iyo ciidamada si hufan

5.Qabkii iyo sharafkii iyo karaamadii umada soomaaliyeed dunida ku lahayd oo soo noqotay, tixgalin aynu kahelay dawladaha caalamka.

Hadaba ma oranayno wax walba boqolkiiba boqol waa laqabtay,maxaayeelay mudada uu shaqaynayo oo aad u yar iyo meesha uu wax kabilaabay oo eber ahayd iyo dal mudo 27 sanadood ah burbursanaa inagoo ka duulayna ninkastoo aqoon leh ama caqli u saaxiib ahi ama dawlad yaqaan ahi wuu garankaraa taas waxaanse leenahay inta hada uu qabtay ayaa ah sees dhig fiican turxan bixin toosin iyo tilmaamid in dalkeenu hore usocdo kuna sii siqaayo amaan kala danbayn iyo dawladnimo taaba gasha waana guul soomaaliyeed doqonise waa moog.

Raysalwasaaraheena KHayre marwalba oo uu lahadlayo wadamada shisheeye,waxaad arkaysaa in uu sawir fiican,kabixinayo dalkeena Soomaaliya.Inagoo wada ogsoon hadaynu nahay Soomaaliya xaalada dalkeenu ku jiro nus qarni ayaa hadana uu tusinayaa,caalamka in Dalkeenu yahay dal qani ah,leh baadrool iyo saliida cayriin,leh macdan kala duwan,leh laba badood,ah afaafka ama albaabka laga soo galo afrika,ahna marinka maraakiibta caalamku isaga gooshto dhanka bada Afrika iyo Aasiya iyo Yurub,ustaraaliya iyo amerika intaba. taamacnaheedu waxay tahay waxaan leeyahay dal qani ah wax wada qabsina diyaar baan u nahay halkii kuwii ka horeeyay, oo aan u bixiyay DABA SALIID LAYAAL inta saliid loomariyo xoogaa lacagana lasoo siin jiray intaas oo cajab galisay naftooda!! illaahoow imanka nagu sug.

Soomaalidaa ku maah maahda ” Nimay soori kaa qaaday waa nin ay seefi kaa qaaday” rabboow anoo islaam ah gob ah soomaali ah leh dhaqan qiimabadan yaysan balaayo saliid dabada noomarin kubadalasho hungiri ah doolar. Horta ma in kirsani oo carab dad wanaagsan waa leedahay hayeeshee nimankan boqorada gaar ahaan boqorada sucuudiga iyo shuyuukhda emaraadka niman dhaqan gadoomay oo kibray weeye wax walbana ka filo xunkii meesha dhaafay ee soomaali biska ahaa anigu madaxweyne oran maayee waakii gabdhihii soomaaliyeed u geeyay boqorada ee ku bashay xubigii doolar dartiis shalay. hade fakara oo nin gabdhihiisii ileen markaad madaxweyne umadeed tahay wiilasha dalkuna waa wiilashaadii gabadha dalkuna waa gabdhahaagii hade ninka waxaa falay miyaan qudhisa lagu tuhmi karin daba saliid?.Waxaan soo xusuustay oday soomaaliyeed ayaa mindhaa wuxuu arkay qolo hunguri ka dayatay meel aad uxun oo damiirku ku siinayn wax ka dayashadeed markaa wuu layaabay! wuxuu yiri “Arhooy!dalabka quruxsada arzaaq waa naloo qoray ee”

Hooraan maqaalo ugu sheegnay,burburkii dalkeena in dawlado shisheeye kasamaysteen kooxo isku xiran oo hor istaaga in dalkeena dawlad ka dhalato gaar ahaan in caasimada Mogdisho lanabadeeyo,shacabka noolaadaan soomaaliyana hagaagto oo noqoto dawlad dhisan oo lugaheeda ku taagan oo xor ah.Hadaba waxaa qofwalbaa oo soomaaliyeed maanka ku hayaa oo is waydiiyaa sidee ayay ku dhacday in mudo nusqarni ku dhaw hal magaalo nabad loogu soo dabaali waayay iyo kala danbayn? hadaba waxaa haboon in la fahmo in Mogadisho laga abuuray 3 kooxood oo ah shabakada maafiyo caalami ah oo isku xiran,waxaana ka dhigaya heerka caalamiga ah shisheeyaha dawladaha ah ee maalgaliya hogaankana u haaya.

Arimaha qabiilku maha wax dhab ah waa mid lagu awrkacsado oo lagu dulmiyo beelaha soomaaliyeed ee walaalaha ah si loo isticmaalo laysugu dilo dhexdooda.waxay kala yihiin shabakda maafiyada caalamiga ahi sidan hoos ku qoran.

1.Koox kugabada siyaasada oo gala layiri,dadkuna u yaqaan siyaasiyiinta xanaaqsan ana aan u aqaan daba saliid layaal. kuwani waxay fulin jireen hada iyo waligoodba dilalka qorshaydan ee ka jira dalka gaar ahaan Mogdisho,waxayna shaqadoodu tahay qas iyo xasilooni daro joogta ah si caasimadu aysan u helin nabad nidaam iyo kaladanbay horseeda dawladnimo soomaaliyeed oo hana qaada. waxay ku badasheen diintoodii iyo dalkoodii iyo dadkoodii iyo dawladnimadii inay qaataan oo helaan doolar oo kaliya.

2.Koox ganaacsiga ku gabada gaar ahaan suuqa bakaaraha,kuwan oo dhaqaalaha lagu hawlgalo gacanta ku haya,dawladaha shisheeyana ay usoo mariyaan,si ay ugaarsiiyaan argagixisada oo loogu hawlgalo. waxay iska dhigaan ganaacsato si aan loo dareemin lacagaha faraha badan ee ay hayaani maxay tahay? waxay u ekaysiiyaan iskana dhigaan ganaacsato sidaa lacag ku samaysay. qoladani waxay afduub ku haystaan in mogdisho laga furin suuqyadii hore ee ka waynaa kana ganaacsiga fiicnaa xiligii dawladii intaan burburku dhicin. nin kii isku daya in uu suuqyadaa camiro oo maal galin xoogleh ku sameeyo waa ladilayaa dakana waxaa lagu haynayaa bakaaraha maadaama hawlo waawayn ka socdaan oo shabakada maafiyada caalamiga ahi ka wadaan. hadafkoodu waa in dalka aysan ka dhalan dawlad shaqaysa.

3.Koox laba waji leh oo kolkay hawlgal fulinayaan uun afka duubta,kolkaa oo loo yaqaan shabaab,marka kalana ganaacsato ah iyo ciidanka xooga dalka markaan wajigu waa u furan yahay waana isla kii afka duubnaa uun! hadafkoodu waa in dalkan aysan ka dhalan dawlad shaqaysa dhagtuna aysan maqal indhuhuna arag mogdishaa nabad ah oo dawladi ka shaqaysaa.

Hada dawlada emaraadka iyo dawlado kale ayaa udiray in ay tagaan dalka Kenya xubno kamid ah shabkada maafiyada caalamiga ah.arintan oo timid kadib markii la arkay in shabaabkii laga dhigay wax lalaayay iyo wax lagu raad joogoo shabakada maafiyada caalamiga ahna lagu soomaqan yahay waa kala carareen! waxayna ku dhawaaqeen warkii dawlada emaraadku usoo dhiibtay ee ahaa ku dhawaaqa in la rido raysalwasaare khayre wajiga koobaad,maadaama uu yahay nin wadani ah hawlkar ah dawladiisuna xawli kusocoto oo ay dhaqaaqday horta isaga hala ataago kadibna markii laga takhaluso waa siday la tahay ee oo larido in iyaga laga dhigo raysalwasaare nin kamid ah, kadibna farmaajo mooshin laga keeno dadkana qaab qabiil laysaga horkeeno halkaasna lagu burburiyo rajadii soomaaliyeed iyo amaankii mogdisho iyo dawladnimadii.

Khayre waxaa lagu haystaa maxaad u tahay soomaali? maxaad u tahay wadani? maxaad u dhisaysaa dawladnimo? maxaad u diiday qabayaalada? maxaad madaxweynaha isugu dhici la dihiin? iyo ugu danbayn uquuri waayid iyo xasad xagooda ah oo ay leeyihiin maxaad inta oo haybad iyo sharaf iyo aqoon u leedahay oo aad ku heshay darajadaan anaguba mahaysanee?

Raysal wasaare khayre waxa uu dunida tusay in dalkeenu yahay,midka maanta dawlad walbaa doonayso in ay wax ka macaashto waayo waa dal barwaaqo ah isla markaana istaraajiyo ah.waxa uu iska diiday dhaqankii xumaa ee lagu yaqiin dalkeena madaxdooda waayadan danboo dhan,oo ahaa tuugsi iyo in lagu yiraahdo waa idin caawinaynaa! waxa uu u badalay dhulkii iyo khayraadkii dalkayguu ceegaagaa,waadna u baahantahay markaa aan kala faa iidaysano si aan u halino bahidayda iyo taada. Aduunkana wax wada qabsi ayaan diyaar u nahay maha uun in anaga nala caawinaayo. waxa kale oo uu cadeeyay in dalkeena wixii siyaasad ah iyo mustaqbalka caruurteena soomaaliyeed aanu garanayno anagoo ah soomaali,maha in shisheeye taa noo tilmaamo.waxa danta noo ah cidii nagu garab galaysa waa soo dhawaynaynaa.

Gunaanad

Raysal wasaare khayre waa mustaqbalka maanta soomaaliya iyo kanbari dhalaanka soomaaliyeed dhaxlayaan.waa geesi waa wadini waa aqoon yahan waa nin garasho fog leh waa soomaali iska diiday qabyaalad oo dhan tanoo ah calaamadaha jannada lagu galo ninkii kusifoobaa.

W/Q Yuusuf Cumar