AKHRISO:- Musuqmaasuqa Masuuliyiinta Caafimaadka Togdheer, Xujada Wasiirka Cusub & Fashilka Mashruuca SHINE ee HPA/DFID. Qore Ciise Yaasiin

0

Hordhac:
Kawaran laba masuul oo BILKASTA lunsada $40,000. Gobol dadkiisu u baahanyahay adeeg bulsho?

Kawaran hadii 400 shaqaale caafimaad ah aan lagu xidhin cilmi caafimaad, imtixaana aan laga qaadin?

Kawaran hadii 400 shaqaale midkasta laga qaaday lacag uu ku iibsado jago shaqo caafimaad?

400 oo shaqaale ah miyay qarinkaraan galdaloolooyinka & dulmiga, dhaawacaya quruxda dawladnimada iyo bixinta adeeg caafimaad?

Dhamaan waa dhacdooyin xaqiiq ah oo magaaladaydan ka dhacay, qofkastana saamaynaya.

Musuqmaasuq & Caafimaad waa labo aan isqaban:

Musuqmaasuq waa Aafo baabi-isa dawladnimada iyo dadnimadaba. Somaliland oo sanadkan 28 jirsatay, markii ugu horeysay waxaa muuqmaasuq shaqada ku waayay Laba (2) Wasiir, agaasimayaal guud iyo Agaasima-waaxeedyo. Dhamaantood waxay ahaayeen masuuliyiin loo arkayay lama taabtaan, laakiin waxaa galaaftay tuhunno musuqmaasuq iyo maamul xumo. Waxaana suuragal ah inaanay masuuliyiintaasi waxba lunsan shakhsiyadoodu, laakiin maamulkoodii oo jilicsanaa ama ka warhayay musuqmaasuqa ayaa galaaftay. Waa tallaabo horey loo qaaday, Madaxweyne Muuse-na wuu ku mahadsanyahay.

Wasaaradda Caafimaadka waxay dad badani ka war-qabaan inay tahay wasaaradaha ugu mashaariicda badan uguna hanta-lunsiga iyo musuqmaasuqa badan.

Dabagal dheer oo aan sameeyay ka dib waxaa iisoo baxday musuqmaasuq caddaan ah oo ka dhexsocda hawlaha Wasaaradda, qaybo ka mid ah.

1. Musuqmaasuq hadheeyay Mashruuca ee SHINE (DFID) ee Nafaqaynta & Daryeelka Caafimaad

2. Musuqmaasuqqa Dhakhtarka weyn ee Hargeysa & Deynta $425,000

3. Shaqaalihii Dhakhtarka weyn ee aan la shaqaalaysiin 7 sano, qaar cusubna si hoose loo qaatay.

Qoraalkani wuxuu ku koobanyahay Musuqmaasuqa Mashruuca SHINE.

Somali Health And Nutrition Programme (SHINE) waa mashruuc caafimaad oo ay malaayiin Doolar ku maalgelinayso dawladda Ingiriisku (DFID-UK).

Mashruucani wuxuu ka fulayaa labada gobol ee Awdal iyo Togdheer ee Somaliland iyo labaa gobol ee Banaadir iyo Galguduud ee Soomaaliya.

Gobolka Togdheer waxaa fulinaya Haayadda HPA, waxaana gobolka Togdheer ka shaqeeya in ka badan 400 oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira Kalkaaliso (Nurse), Umuliso (Midwife) iyo Dhakhaatiir.

Shaqaalaysiinta 400 ee muwaadin loo marin habka iyo sharciga qaadashada shaqaalaha. Waxaa loo xushay hab aad u foolxun. Waa kuwan dhacdooyinkii ku gedaamnaa qaadashada shaqaalaha caafimaad ee mashruuca SHINE-DFID, ee Gobolka Togdheer ee Somaliland:

1. Qabyaalad ku koobnaatay labada masuul ee ugu sareeya caafimaadka gobolka

2. Qofkasta oo hab qabyaaladeed lagu xushay waxaa lagu xidhay in uu bixiyo lacag fadhiisin lagu sheegay ama lacag baad ah oo xaaraan ah. Lacagtaasi waxay u dhaxaysay $50 ilaa $100, qofkiiba. Masuuliyiinta caafimaadka gobolka Togdheer waxay Jeebabkooda ku xeerooday lacag u dhaxaysa $20,000 ilaa $40,000 (50×400=20,000).

3. Labadii bilood ee ugu horeeyay shaqada waxaa shaqaalaha laga goostay midkiiba $200. Waxaanay noqonaysaa = $200 x 400 shaqaale = $80,000 sideetan kun oo doolar. Waxaana kala qaatay labada Diktoor ee Gobolka ugu sareeya.

4. Bil kasta waxaa shaqaalaha laga reebaa ama laga goostaa $100 ($100×400=$40,000) Hadda waa AFARTAN kun oo doolaar oo BILKASTA taagan.

5. Kirada laba gaadhi oo si qasab loogu shaqaaleysiiyay (Conflict of Interest) iyagoo meesha ka saaray laba gaadhi oo kale dad shicib ahi lahaayeen oo si cadaalad ah hore ugu shaqayjiray.

6. Waxaa musuqmaasuqa qayb weyn ku leh Haayadda HPA, oo u fududeysay in Masuuliyiintani Xisaabta Shaqaalaha u maamulaan la-Xisaabtan la’aan (NO Transparency and NO Supervision).

7. Haayadda HPA waxay lacagta hore ugu shubi jirtay shaqaale kasta Xisaabtiisa Bangiga uga furan (Employee Bank account) laakiin imi waxay ku wareejisay Xisaabaadka Bangiyada ay maamulaan labadan masuul.

Talo ku socota Wasiirka Caafimaadka:
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Cumar Cali Cabdillaahi (Cumar Dheere) waxaanu ka codsanaynaa inuu baadhis weyn ku sameeyo dhamaan tuhunnada musuqmaasuq ee Wasaaradda ka jira, gaar ahaan uu baadhis ku sameeyo Maamulka caafimaadka Togdheer, Dhakhtar weyn ee Burco, iyo Mashruuca SHINE ee Haayadda HPA & DFID gobolka ka wadaan iyo Musuqa ku huursan shaqaalahaas.

Wasiirka waa masuuliyadiisii shaqo, waana mid uu If iyo Aakhiroba u taala wuxuu gashado habsami u socodka hawlaha caafimaad ee dalkeenan tamarta daran.

Talo ku socota Haayadaha HPA & DFID-UK:

Haayadahan waxaa saaran masuuliyadda guuleysiga mashruucan oo lacag badani ku baxday.

Hadii lacagtii loogu talo galay loo leexiyo jeebab kale waxaa fashilmaya mashruucan qiimaha badan, iyo lacagtii cashuur-bixiyayaasha Ingiriiska.

Qore Ciise Yaasiin Cali

Burco, Togdheer.