QM oo dib u billowday mushaarka Ciidanka Kenya ee AMISOM

0

Qaramadda Midoobay ayaa dib u billowday bixinta mushaaraadka Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM waxaana Bishii March ee sanadkaan ay Ciidanka Kenya heleen 3.75 million oo shillinka Kenya ah.

Lacagtaan waxaa la bixin doonaa Sexadii biloodba mar, waxaana ciidanku ay heleen lacagihii ka maqnaa muddo Todobo bilood ah.

Dowladda Kenya ayaa muujisay walaaceeda ku aadan dhaqaale xumadda heeysta ciidankeeda jooga Soomaaaliya ee ka tirsan Holgalka AMISOM. Waxay si is daba jog ah cabashadeedda ugu gudbisay Qaramadda Midoobay.

Inkastoo ay Qaramadda Midoobay dib u billowday bixinta Mushaarka ciidanka Kenya ee Soomaaliya, hadana lacagtaasi waxaa ay ka yartahay middii ay ciidanku helayen xilligaan oo kale Sanadkii 2018kii.

Midowga Europe ayaa bixiya Lacagata ugu badan ee uu ku shaqeeyo Howlgalka AMISOM, QM ayaa sidoo kale qayb mug leh ka bixisa qaaraanka AMISOM ay uga howlgasho Soomaaliya.