Howlgallo dhalinyaro fara badan lagu qabtay oo xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan Muqdisho

0

Ciidamada Booliska ayaa xalay howlgallo dhalinyaro fara badan lagu qabtay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada ayaa howlgalada ka sameeyay xaafada Taleex, iyagoo baarayay dadka iyo gaadiidka.

Inta badan dhalinyarada lagu qabtay howlgalkaas ayaa ku fiidsanayay maqaayadaha ku yaalla Laamiga Taleex.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan lagu soo qabtay dhalinyaro fara badan, kuwaasoo la isugu geeyay goob fagaare ah oo markii dambe Ciidamada ku kala saareen.

Arrinta layaabka laheyd ayaa waxaa ay aheyd in howlgalka dadkii lagu qabtay uu ka mid ahaa Wariye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog, kaasoo markii la qabtay oo meel banaan ah isugu geeyay, waxaa uu barta Facebook ka soo galay Live, isagoo ka hadlayay qaabka howlgalka u dhacay, isla markaana wareysanayay dhalinyaradii kale ee lala qabtay.