DHAGEYSO:-Xaalada Amaan ee magaalada Beledweyne oo laga deyrinayo

0

Iyadoo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay mudooyinkii danbe ka taagnaayeen arimo iskugu jira aanooyin qabiil iyo falal amni daro, ayaa xaafada Howlwadaag magaalada Beledweyne  waxaa xalay lagu dhaawacay Gabar la sheegay in gurigeeda loogu galay kadibna rasaas lagu furay.

Nabadoon Cujur Khaliif ayaa Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka reer Hiiraan waxa uu ka codsaday arintaasi laga hor tago.

Amaanka magaalada Beledweyne ayaa sii xumaanayay mudooyinkii danbe waxaana maalmo ka hor ka dhacay falal naxdin leh oo iskugu jira dilal, gowrac, kufsi, afduub iyo falal kale oo amniga lidi ku ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here