DHAGEYSO:-Maamulka Puntland oo baaritaano dad lagu soo qabtay ka sameeyay Boosaaso

0

Taliyaha Booliiska qaybta gobolka Bari ee maamulka Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu kaga hadlay qorshaha lagu sugayo amniga magaalada Bosaaso iyo howlgalo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in baaritaanadii ay ka sameeyeen magaaladaasi ay ku soo qab qabteen dad lagu tuhun sanyahay falalkii amni daro ee mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay degmadaasi.