DHAGEYSO:-Maamulka Jubbaland Oo Amaro Cusub Soo Saaray

0

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa kulan ku yeeshay guddiga amniga Jubbaland,iyagoo kulanka kadib soo saaray amaro cusub.

Kulanka ayaa waxa inta uu socday waxaa looga hadlay amniga deegaanada Jubbaland,isla markaana Guddiga amniga amaro ka soo saaray gaadiidka aan sharciga lahayn.

Sidoo kale Amarka ayaa waxaa kamid ah sharciga lahaanshiyaha taarikada iyo warqada wada marista iyo in uu Darawalada ay leeyihiin Kaararka Aqoonsiga.

Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenkan Wasaaradda amniga Jubbaland oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in aan marnaba la arki karin gaadiid aan sharci laheyn,isla markaana gaadiidleyda ugu baaqay kuwa aan la heyn Sharci in ay sameeystaan.