DHAGEYSO:-Baaritaano lagu hayo dad xaday Cunug yar

0

kadib markii galinkii danbe ee shalay guri ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ay Ciidamada Booliiska ka soo qabteen Haweeney la rumaysan yahay in ilmay yar ay ka xaday Isbitaal Soos, ayaa waxaa hada waxaa socda baaritaan arintaasi ku aadan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliiska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku hayaan Sedax ruux oo loo soo qabtay Ilmay galabtii Jimcaha ee nadhaaftay laga soo xaday  Isbitaalka Soos ee Magalada muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in baaritaan lagu haayo haweeneyda iyo labo qof oo kale kuwaasi oo kula noolaa guriga lagu heystay Ilmayga yar ee lasoo xaday.