Banaanbaxayaasha Sudan”Haysta lacagtiina uma baahnin.”

0

Banaanbaxyaasha dalka Sudan ayaa ugu baaqay wadamada Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka inaysan siin lacag dowlada Milatariga ah ee dalka Sudan.

Wadamada qaniga ah ee Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay ugu deeqayaan dowlada cusub ee dalka Sudan lacag gaareysa 3 bilyan oo Dollar.

Saacado kadib markii ay wadamada Khaliijka ay ku sheegeen deeqda lacagta ah ayaa dadka banaanbaxyada ka dhigaya dalka Sudan waxa ay ku dhowaaqeen ereyo ay ka mid yihiin;”Ma dooneyno taageerada Sacudiga.”

“Waxa ay doonayaan inay ku maamulaan lacagtooda dalkeena,waxaan leenahay qeyraad nagu filan oo aan ku maamulan karno danaheena.”ayuu yiri Adil Gasemoo ka mid ah ganacsatada dalka Sudan oo u waramayay taleefishinka AlJazeera.

Milatariga Sudan ayaa xilka ka tuuray Hogaamiyihii hore ee dalkaas kadib banaanbaxyo socday muddo bilooyin ah.

Labada dal ee Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka ayaa war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku sheegeen in lacagta deeqda ah ay siinayaan dalka Sudan ay ku shubi doonaan bangiga dhexe ee dalka Sudan lacag gaareysa shan boqol oo Malyan oo dollar.

Madaxa Golaha Milatariga dalka Sudan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa ahaa taliyaha ciidamada lugta dalka Sudan xilligii ay dowlada Sudan u dirtay ciidamo taageeraha dowlada Yemen.