AKHRISO:- Sirdoonka Kenya oo howlgal ka fulinaya Gudaha Soomaaliya

0

Ciidanka Sirdoonka Kenya ayaa isku diyaarinaya in ay howlgal ka fulinayaan Soomaaliya sidda ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dowladda Kenya.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay ku raad jooggaan Koox hubeysan oo dhawaan dhaqaatiir u dhalatay dalka Cuba kasoo Afduubtay Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ballanqaaday in ay dooneyso in ay soo soo furato dhaqaatiirkaasi oo la aaminsan yahay in Koox hubeysan in ay ku heystaan Gudaha Soomaliya.

Howlgalka dadkaasi lagu soo furanaayo ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona Ciidanka Sirdoonka Kenya, Milatariga iyo Booliska.

8 maalmood kahor ayaa Dhakhtar Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa lagu weeraray magaalada Mandhera, iyagoo ku sii jeeda goob ay ka howlgalayeen, waxaana la diley mid kamid ah ilaalada dhakhaatiirta.