AKHRISO:- Itoobiya”Ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”

0

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay Shaacisay in ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa Muran badan oo ku aadan halka ay ka howlgali doonaan Ciidanka Badda Itoobiya, Maadaama aysan la heyn wax bad ah.

Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo ah Taliyaha Ciidanka badda Itoobiya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku howlan tahay sidi ay u dhisasan lahayd ciidamo bad oo adag.

Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneyso waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada.

“Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof.