DAAWO:-Wasiir Bayle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta sadaxaad ee Wasaaradda maaliyadda

0

Dismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay taageerayaan bangiga Aduunka ayaa muhiim u ah helitaanka howlwadeenada wasaaradda Maaliyada xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibka Qaran ee saaran

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdirxamaan Ducaael Beyle dhagax dhigay xaruntaan waxa uu ka balan qaaday inay xoojinaynayaan hufnaan Maaliyada isaga oo u mahad celiyay Bangiga aduunka.

” Waxaa farxad inoo ah inaan dhagax dhigno daartii sadaxaad ee wasaaradda maaliyadda waxaan dhawaan xarig ka jarnay daartii labaad oo ay naga taageertay dowladda Sweden oo aan dhawaan u soo guureyno, tan aan maanta dhagax dhigayno oo dhawaan la bilaabayo waxaana naga taageeraya dhismaheeda Bangiga Aduunka waan u mahad celinaynaa, waxaan balan qaadaynaa in shilin walba sidii loogu talagalay uu ku  baxo” ayuu yirii wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray in dalku sameynayo hormar dhinac dhismaha xarumaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhismaha Xaruntaan sadaxaad ee wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa la mataanaha xarunta labaad ee wasaaradda oo dhismhaheeda xariga laga jaray bishii November ee sanadkii tagay waxaana xarumahani dhismahooda gacan ka geysanayaan horumarinta howlaha maaliyadda iyo adeegyada ay howlwadeenkeedu u qabtaan bulshada Soomaaliyeed.