Sheekh Soomaaliyeed Oo Ku Dhaawacmay Qarax Oo Lagu Daaweynayo Isbitaal Ku Yaalla Masar

0

Guddoomiyaha Ururka Majmaca Islaamka ee Culumadda Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa la dhigay Isbitaalka Jamaacadda Al-azhar University Hospital ee Degmadda Nasar ee magaalladda Qaahira, si looga daaweeyo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax bishii la soo dhaafay ee Maarso 28-dii ka dhacay meel ku dhow Xafiiskiisa oo dacalka ku haya Wadadda Maka Al-mukarama ee magaalladdan Muqdisho.

Hormuudka Jamaacadda Al-zahar, Dr, Maxamed Al-maharazaawi ayaa ku booqday Isbitaalka, si uu u hubiyo xaalladda caafimaadka Sheekh  Yuusuf Cali Caynte iyo inuu arko Adeegyadda Daaweynta ee uu u baahan yahay.

Hadal ka soo baxay Xarunta Warbaahinta ee Al-zahar University ayaa lagu sheegay inay arrintaasi timid, kadib, Jadwalka shaqo ee Iimaamka Weyn ee Al-azhar, Dr. Axmed Al-tayib, si loo daaweeyo Sheekh Caynte.

Xarunta Warbaahinta Alazhar waxay sheegtay in markii uu Sheekh Yuusuf Caynte soo garaay Qaahira sida ugu dhaqsaha badan loogu sameeyey Baaritaanadda muhiimka ah iyo barnaamijka daaweynta muhiimka ah in loo fidiyo.

Isbitaalka Jamaacadda Al-azhar ayaa loo aqoonsan yhaay mid ka mid ah Isbitaalaldda ugu waa weyn daalka Masar iyo guud ahaan dalalka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, qraaxa uu Sheekh Yuusuf Cali Caynte ku dhawaacmay oo ka dhacay Muqdisho bishii Maarso 28-dii ee sannadkan ayaa waxa la sheegay inay ku geeriyoodeen  ugu yaraan 15 qof, iyadoo 20-kalena ku dhaawacmeen.