SAWIRRO:-Kulan aqoon isweydaarsi ah oo Muqdisho uga furmay Golaha Shacabka BJFS iyo Golaha Wakiilada Puntland

0

Guddoomiyaha ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdi Cawad ayaa furay Kulan aqoon isweydaarsi ah oo u dhaxeeya Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Ujeedka Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa looga hadlayay isku xirka labada guddi joogto ee golaha shacabka iyo golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland iyo wada shaqeynta guddiyada isku shaqada ah ee labada dhinac.

Aqoon is weydaarsigan u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaa maal-gelinaaya mashruuca Gole-kaab oo ka shaqeeya tayo kordhinta hay’adaha Xeer dejinta Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Warbaahinta Qaranka u faah faahiyay aqoon is weydaarsigan ayaa sheegay in maalinta khamiista ama jimcaha la soo gabagabeyn doono shirka,islamarkaana mudada uu socdo xoogga la saari doono wada wada shaqeynta labada Baarlamaan.