Sarkaal ka tirsan Soomaaliland oo lagu dilay Gobolka Sanaag

0

Wararka Naga Soo gaaraya deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Taliye urur oo ka tirsan Ciidamada Somaliland ee ka howlgala deegaankaasi.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay G/dhexe Nayjeeri, waxaana dilay askari ka tirsan Ciidankiisa oo muran soo kala dhex galay inkastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin waxa ay ku murmeen.

Askariga oo isku dayay in uu goobta ka baxsado ayaa isna waxaa halkaasi ku toogtay ciidamada kadib rasaas mudda socotay oo ay is weydaarsadeen isaga iyo ciidamadii la dagaalamayay.

Dad deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in cabsi xooggan ay soo kala dhex gashay ciidamada soomaaliland ee u sugan deegaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag.

Deegaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag ayaa waxaa dhawaan fariisin ka sameystay ciidamo ka tirsan Soomaaliland, iyadoona arintaasi ay ka caroodeen Maamulka Puntland.