Reer Beled Xaawo Oo Ka Cabanaya Xadka Ay Kenya Xiratay

0

Waxaa gebi ahaanba istaagay isku socodka ganagsiga iyo dadka dagmada Balad-xaawo iyo Kenya ka dib markii dowladda Kenya ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Zaytuun Maxamed Cali oo ka mid ah dadka ku nool dagmada Balad-xaawo ayaa sheegtay in wax weliba ay istaageen sida ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada, sidoo kale waxa ay sheegtay inaan labada shacab marna ayna kala  maarmin dadkana isku baahan yihiin.

“ Annaga wax badan aaan uga baahneyn oo xaga nolosha ah sida waxbarashada, daawada iyo ganacsiga  ayagana waxa aan u gudbin jirnay caanaha iyo ganacsiga Xamar ka imaanaya  runtii annaga iyo ayaga waan isku nooleen,”

Zaynab Maxamed oo hadalkeeda sii-wadata ayaa sheegtay in caruurtii waxbarashada aadeysay iyo dadkii u shaqo tagi jiray dhanka Kenya iney xaafada joogaan ayna jirin wax dad ah ama ganacsiya oo gudbaayo dhanka Kenya.

“ Wax  gudbaayo ma jiraan waa rajo  la’aan in illaahey uu nasri uu keeno maahane, ciidamadu xabad ayeey la taagan yihiin oo qofkii soo gudbo ay ku dhufanayaan, dadkii waxa ay ku qasbanaadeen iney guryahooda iska joogaan”

Dhanka kale Zaynab ayaa meesha ka saartay in wax wada hadal ah ay dowladda Kenya la gashay maamulka dagmada Baladxaawo ama ay isku deyday inay hadalkooda dhageysato, lakiin waxa ay sheegtay in labada shacab ay saamayneyso xirnaashiyaha xadka.

“ Nin dalkiisii xirtay oo adiga kula munaaqashoonaynin maxaad adiga u sheegi kartaa oo lagaa koobinaa , annaga hadda waan aamusanahay koleey waa lawada hadli doonaa baahida naheyso ayagana waa ay heysaa labada dhinacna waa laysku baahan yahay, lakiin waxaan rajo ka qabnaa in lawada hadli doono asbuucyada soo socda”