Faah-faahin Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Shabeellada Hoose

0

Duleedka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose galinkii danbe ee shalay waxaa qarax lagula eegtay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Qaraxaas oo sida la sheegay ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa sababay dhimashada labo Askeri, iyo bur burka Gaari booyad ah oo ay Ciidamadu wateen.

Dagaalamaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxaas, iyagoo sheegay inay ku dileen Askar ka tirsan dowladda , ayna ku gubay Gaari booyad ah oo Shidaal siday, hayeeshee ma jirto ilo ka Madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-shabaab.