Ciidamo ka tirsan AMISOM oo maanta lagu qarxiyay duleedka Muqdisho

0

Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weeydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in rasaas badan ay fureen, iyadoona la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay dadka Shacabka ah.