DHAGEYSO:-Suxufiyiinta Somaliland oo ka So horjeestay guddi loo sameeyey warbaahinta Deegaanada Maamulkaas

0

Wariyeyaasha madax banaan ee Somaliland ayaa ka si weyn uga hor yimid guddi ay wada jir u magacaabeen wasaaradda warfaafinta iyo ururka saxaafada ee SOlJA oo loo bixiyey guddida badqabta saxafiyiinta Somaliland.

Guddidan ayaa ka kooban toddoba xubnood oo u badan wasaarada warfaafinta Somaliland oo uu ku jiro agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka.
Warbaahinta madax banaan ayaa sheegay in guddidaasi aanay ku jirin wariyeyaal madax banaan,isla markaana kuwii laga cabanayey aanay dhex ka noqon Karin warbaahinta.

Wariyeyaasha madax banaan ayaa sheegay in guddi dhinaca muxaafadka u badan aan loo baahnayn, isla markaana guddidan ay ku markhaati furi karta wariyaha dhiban hadii laga soo dacwooda, sidaas darteed, waxaanay dhowaaq dheer ka muujiyeen in guddidaasi aanay ogolayn warbaahintu.