DHAGEYSO:-Hooyo Xaawo Maxamed Maxamud “Inti aan tukanayey Salaadda Maqribka ayaa la xaday ilmihii yaraa”

0

Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka Soos ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirta, kadib markii ay si wayn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday.

Foosha dhalmadda ilmaha yar ayeey dhib badan u martay oo xittaa waxaa ku soo booday (Kalaamiso) markii ay dhaleysay ilmaha yar, balse mid arxandaran ayaa xaday ilmaha.

Haweenayda la tuhmaayo inay xaday ilmaha yar ayaa la sheegay shalay oo dhan inay ku sugnayd Isbitaalka Soos gudihiisa, gaar ahaan qolka la seexiyay Hooyo Naciimo oo waxa ay gacanta ku wadatay bacda Hooyooyinka marka ay umulaan lagu seexiyo ee loo yaqaan (Bambiirada) waxayna iska dhigeysay qof ehelka ah oo xittaa caawimaad ayeey u fidinaysay reerka.