DAAWO:-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa galabta ka qayb-galay aas-qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo Puntland kasoo qabtay xilal muhiim ah, Xildhibaan Baarlamaanka Puntland muddo 15 sano ah, Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Puntland 2009-2014, iyo Wasiirkii Wasaaradaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta iyo Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda 2014-2019.

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa kasoo qayb-galay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaca shacabka Puntland iyo kan dowladdoodaba ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, samir iyo imaanna ka siiyo, ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun anoo ku hadlaya magaca reer Puntland, dowlad iyo shicibba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka reer Puntland meel kastay joogaanba, waxaan kale oo tacsi u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxaan Alle ka baryaynaa inuu samir iyo imaan inaga wadasiiyo, isagana naxariistii Janno ka waraabiyo”

“Marxuumka anagu waan soo wada-shaqaynay Wasiiro ayaanu ka wada ahayn dowladdii Cabdiweli, waxaan ka maqraanti ka cayaa in marxuumku ahaa sidaas lagu sifeeyey, waxaan codsanayaa in loo duceeyo, oo la cafiyo” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dhankooda Alle uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal-mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo imaanna ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, caruurtii iyo xaasaskii uu ka baxay Marxuumku.