DAAWO:-Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya

0

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya  ayaa waxay ka wada hadleen imtixaanka Dowliga ah ee Dugsiyada sare iyo sidii loo mideyn lahaa.

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa guddiga warbixin ka siiyey qorshaha Wasaaradda ee sanadkan ay ku fulinayso imtixaanka mideysan ee  loogu tala galay inay galaan ardayda ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare, waxaana wasiirka su’aalo laga waydiiyey arrinta Puntland oo wali aan ogolaan imtixaanka midaysan.

Sanatarro deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay u baxayaan Puntland si la iskula meel dhigo arrinta imtixaanka mideysan.

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xusay in Puntland ay waaya aragnimo u leedahay arrimaha waxbarashada iyo imtixaanaadka, balse muhiimaddu ay tahay in la mideeyo hannaanka waxbarashada dalka.

Samsam Daahir Maxamuud xoghayaha gudiga arrimaha bulshada Golaha Aqalka sare ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in xal laga gaaro arrinta imtixaanaadka ka hor waqtiga uu bilaabanayo.

Hoos ka daawo muuqaalka