Akhriso:-Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Jubbada Hoose

0

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen shalay nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen labo xubnoo oo katirsanaa Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey duqeynta ka dhacay duleedka Jamaame, oo qiyastii 40-Km u jirta magaaladda Kismaayo, ee caasimadda KMG ee Jubbaland.

Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka gacan siisay weerarka, oo noqonaya midkii ugu dambeeyay duqeymo joogto ah oo diyaarado ay ka fulinayaan degaanada ay maamusho Al-Shabaab.

Warka kasoo baxay AFRICOM aya lagu xusay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto washaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka ee dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab.