SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Boqortooyada Baxrayn iyo Dowladda Burundi ay usoo magacaabeen Soomaaliya Mudane Juma Axmed Alkaabi iyo Mudane Remy Barampama.

Danjiraha cusub ee Boqortooyada Baxrayn Dr Juma Axmed Alkaabi ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan uu ka siday Boqorka Baxrayn, waxa uuna sheegay in dalkiisu uu aad u daneynayo in Soomaaliya uu la sameeyo iskaashi ganacsi gaar ahaan Xoolaha, Kaluunka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirka cusub ee Baxrayn u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan, si xiriirka labada dal loo xoojiyo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Burundi ay usoo magacaawday Soomaaliya Mudane Re’my  Barampama.

Madaxweyne Farmaajo  iyo Danjire Remy Barampama ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargellin lahaa qodobadii kasoo baxay kulamadii bishii Febraayo ee sanadkan ay magaalada Bujumbura ku yeesheen Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muadane Pierre Nkurunziza.