DHAGEYSO:-Golaha Shacabka oo maanta warbixin ka dhageystay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana soo xaadiray 141 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaa sidoo kale laga hor aqriyay wax ka bedelka sharciga Furdooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim “Xaliima Yarey” ayaa Golaha Shacabka u faah faahisay heerka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashooyinka Dalka,habraaca doorashooyinka la xiriira,diiwaan gelinta xisbiyada,wacyi gelinta iyo diiwaan gelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale nooca ay cod bixinta noqon doonto oo ah nooca Bio-metric registration oo ah aalada aqoonsiga wejiga qofka sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo sidoo kale sheegtay in uu Guddiga buuxiyay kuraasta ka banaan golaha shacabka.

Sidoo kale Xildhibaanda golaha Shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyay wax ka bedelka sharciga furdooyinka sharciga No1 oo soo baxay 30-kii Bishii March sanadkii 1961-kii,Waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim.

Sidoo kale Xildhibaanda qaarkood ayaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda weydiiyay su’aalo la xiriira baahida sharciga loo qabo iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in sharcigan lagu wareejinayo gudiga ku shaqada leh.