Dalku wuxuu u baahan yahay dhallinyaro dareen wadaniyadeed leh

0

Soomaaliya waa dal Alle ku manaystay Nicmooyinka Alle bixiyo kuwa ugu qiimaha badan, waa dad isku diin ah isku af ah isku dhaqan ah, waxayna Juqraafi ahaan ku taal marin muhiimad wayn u leh isku xirka caalamka, waxayna tahay barkulanka Badwaynta Hindiya iyo Badda cas waa dal khayraadkiisu dihin yahay  waxaana dhex ceegaaga  khayraad fara badan oo aan wali laga faa’idaysan, dalka intaasi oo nicma ah Alle isugu daray tirade dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa 12 Milyan oo qof, oo boqolkiiba 75 dhallinyaro yihiin.

Umad walba horumarkeeda waxaa uu ku xiran yahay dadaalka dhalinyarada galiyaan dalkooda,Hadaba Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay:-

1- Haddii dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay tirada ugu badan shacbiga, maxay tahay sababta ay sida buuxda ugu  muuqan waysay saamaynta ay bulshada ku dhex leeyihiin?

Sanad walba intaasoo dhalinyaro ah ayaa jaaamacado iyo iskuulo kala duwan kasoo baxa, tiro intaa ka badan ayaa waxbarsho bilawda, labadaas tiro kasii badan oo kale ayaa waxbarasho ku jira oo wada.Halkey wax ka qaldan yihiin? Ma dareen wadaniyadeed ayaan jirin, mise dhallinyaradu talo wadaag ma ahan?

Khubarada ku xeel dheer Culuunta bulshada waxay tilmaamaan qofka bini-aadamka ah hadii uu marwalba is waydiiyo su aalaha ay ka midka tahay kalmada ( Sabab, Why). Sadex waxyaabood mid uunbaa laga filan karaa:-

1- Inuu dadaal galiyo sidii uu jawaabahaas ku heli lahaa isagoo ku raadinaya dariiq walba oo uu ku heli karo, oo ay ugu horayso cilmi baaris aan kala joogsi lahayn, caqabado badana ka gudba, adkaysi badan leh balse aan jawaabtii saxda ahayd helin, qofkaas waxay ku tilmaamaan qof wax badan oo aan ahayn wuxuu raadinayay laga baran karo tusaaalana loos oo qaato, marka laga hadlayo sida caqabadaha looga gudbo iyo sida loogu adkaysto.

2- Qofka labaad waxay sheegaan  Inuu noqdo qof ka niyad jaba dadaal dheer kadib, marka ay guushu u dhowdahay..

3- Qofka Sadexaad Waxay ku tilmaamaan waa qofka labadaas qof cashar ka barta kadib  ku guulaysto si lama filaan ah.

Waxaan daah inaga saarnayn inay jiraan dhibaatooyin badan oo ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed rag iyo dumarba, balse duruufahaas oo dhan marnaba kama hor istaagi karaan qofka ku dadaala.inuu ka miro dhaliyo hadafkiisa.

Maalin walba iyo meel walba waxa lagaga hadlayaa inay dhalinyaradu shaqo la’aan tahay. cid iswaydiinaysa ama dhalinyaro aqoontay barteen ku raadinaysa sababta keenay way yar tahay ama maba jirtaba haday jiraana dhowr cisho markay wadaan faraha ayay kala baxaan, xalna ma gaaraan.hadaba cidii dhibtu haysay hadii aanay xal raadin karayn oo aanay intuu miiska soo saaro dhihi karayn caqabadahan ayaa ina haysta dhalinyarooy sideen uga gudbi karnaa?. Waa kuma qofka aan ka sugayno in uu xal keeno?

Dhanka kale hadii aan ogaan kari waynay caqabadaha haysta dhalinyarada tusaale ahaan shaqo la’aanta aan soo qaato. Maka fikiri waynay inay shaqo abuur samaysano inaga dhalinyaro ahaan dhexdeena ?. Ilayn  bulshada inagaa ugu badan tiro iyo tayo ahaanbee,mise waxaynu u baahanahay aqoontii badanayd ee nooc walba lahayd een barannay waxba soo kordhin waydaye. mar kale inaynu buug iyo qalin qaaadano si aynu u soo baranno sida shaqo loo abuurto iyo qaabka adkaysiga loogu yeesho nolasha,una badbaadino mustaqbalka caruurteena.

Bal eeg waxaad dhalinyaroy jaanis haysato, bal qof walowba kaligaa tirso fursadaha aad maanta haysato oo aanu aabahaa haysan adiguna aanad bari haysan doonin.ma waxaad isku qancisay inaad dunida ka tagto adigoon waxba ku soo kordhin?  Jawaabtu waa Maya,  Waxaana xaqiiqda oo biyo kama dhibcaan ah tahay,wax walba oo aad wakhti galiso, dadaalna ku darto Rabigaana la kaashato waad samayn kartaa. Laakiin waa goorma? Waa markaad dariiqii hore ee bilaa rajada ahaa aad ka leexato, waa markaad u fakarto si ka duwan sidaad sidaad u fikiraysay, waa markaad is waydiiso adiguna sidan waad samaysay saaxiibkaana wuu  ka miro dhaliyay xaggee bay wax si ka yihiin? Taasina waxaad jawaabteeda heli kartaa markaad adigu is qiimayso, isla xisaabtanto, kadib ogaato halkaad taagan tahay. Kadibna aad qorsho samaysato mid dhow iyo mid dheerba.

Kalsoonida naftaada aad ku qabto iyo awoodda aad leedahay maalinta aad kulmiso ayaad dhabadii guusha cagta saaraysaa.maalin walba waxaad arkaysaan qofaan waligii qalin iyo buug toona qaadan oo dunida wax ku soo kordhiyay.dhalinyarooy waxaynu u baahanahay in qof walba oo inaga mid ah in naftiisa la tashado, isagoo kali ah, isla markaana axdi guul abuura la galo, walaalkayga dhallinyarada ahoow  ogsoonoow damiirkaaga hadda qof niyad jabsan kaa dhigayaa, waa inuu noqdaa mid niyada kuu dhisa markaad isla tashi nafeed oo dheer  gasho kadib.

Lasoco Qaybta 2aad

W/Q Abdirahman Ahmed