DAAWO:-Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

0

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Qaraxa ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku hor qarxay goob maqaayad ah oo ku dhow Saldhiga Booliska Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa mid xooggan si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Uuro iyo qiic ayaa la arkayay, waxaa la soo sheegayaa inuu qaraxu sababay khasaare kala duwan.

DEG DEG QARAX KA DHACAY ISGOYSKA DABKA

Slået op af SBC Somali TV i Onsdag den 17. april 2019