SAWIRRO:-Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Dhammaystirka Xafiisyada Guddida Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka tubta siyaasadda loo dhanyahay ee maanta ayaa looga hadlay dhammaystirka xafiisyada goballada ee guddiga madaxa baannaan ee doorashooyinka qaranka iyo astaynta goobaha ugu habboon ee lagu diiwaan gelin karo codbixiyaha.
Shirka ayaa la iskula gartay dardar-gelinta dhammeystirka xafiisyada guddida madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ay ku yeelanayaan maamul goballeedyada iyo astaynta goobaha ugu habboon ee diiwaan-gelinta codbixiyaha.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka iyo Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020