SAWIRRO:-Hogaamiyaha Somaliland oo xariga ka jaray mashruuc cusub oo laga hirgeliyay Dekeda Berbera

0

Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

Wiishashka (Mobile Harbor Crane) cusub ee loo keenay dekedda Berbera oo Xariga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, ayaa munaasibad kooban oo xariga lagaga jaray waxa ay ka dhacday Magalada Berbera,waxaaana goobjoog ka ahaa inta badan Madaxda Soomaaliland.