Golaha Shacabka oo guddiyo u xil saaray qaabka loo sugayo amniga Muqdisho

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay waxa ay uga doodeen Amaanka Magaalada Muqdisho.

Shalay ayaa waxaa hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka Wasiirrada Amniga Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya waxaana la weydiiyay Su’aalihii ugu badnaa abid ee Masuul la weydiiyo kuwaasi oo qaatay Saacado badan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in waydiiyeen Cabashooyinkii ay ka qabeen Shacabka Soomaaliyeed amniga Muqdisho iyo dilalka sida gaarkaa loogu gaysto dhalinyarada Bajaajta uga xamaalata magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay Taliyeyaashu balan qaadeen in falalkaasi ay wax ka qaban doonaan isla markaana shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho loo xiray  Shaqsiyaad iyo Saraakiil.