Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

0

Koox burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay Magaalada Johannesburg waxay ku dileen muwaadin Soomalaiyeed oo ku ganacsanayay dalka Koofur Afrika.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Dheere ayaa waxaa toogtay Koox Burcad Koofur Afrikaan ah, isagoo ka sii baxayay xaruntiisa shaqo xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Ciidamada Booliska oo goobta tagay uu dilka ka dhacay, kuwaasoo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, iyagoo la’aaday goobaha wax lagu baaro, waxaana la filayaa in maanta gelinka dambe lagu aaso Qabuuraha Muslimiinta ah.