DHAGEYSO:-Shir Looga Hadlay Amniga Iyo Kufsiga Oo Ka Dhacay Garowe

0

Shirkan oo looga hadlayay amniga iyo arrimaha Kufsiga ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirka ah oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay ku simaha madaxweynaha Puntland, ahna ku xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Karaash.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka, iyo sida looga hortagi lahaa falalka Kufsiga ee ka dhaca deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenka amniga ee maamulkaasi Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay kulankaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland ka dhacayay dhibaatooyin kala duwan iyo tacadiyo ka dhan ah Haweenka ku dhaqan maamulkaasi.