AKHRISO:- Yuhuudda Oo Masjid La Dhisay Qarnigii 13-Aad Ka Dhigtay Goob Lagu Caweeyo

0

Maamulayaasha Yuhuudda ayaa la sheegay inay Masjid Taariikh weyn leh oo ku yaalla dhulalka la-haysto ee Falastiin ka dhigteen dhismo lagu caweeyo, sidaas waxaa sheegay Sarkaal ka tirsan Muslimiinta Deegaanka.

Shirkad Yuhuudi oo gacan-saar la leh Dowladda Hoose ee Degmadda Safadee Waqooyiga Falastiin ayaa la sheegay in Masjidka Al-axmar oo la dhisay Qarnigii 13-aad ka dhigtay Baar iyo Hool weyn oo lagu dhigo Xafladaha Arooska.Xoghayaha Hay’adda Islaamiga ee Samafalka Falastiin, Sheikh Kheyr Tabari ayaa sheegay inuu ka argagaxay markii uu arkay burburka loo geystay gudaha Masjidka qadiimiga ee Al-axmar.

Sheikh Kheyr Tabari oo la hadlay Wargeyska Al-quddus Al-carabiya ee xaruntiisa dhexe ku taallo magaalladda London ayaa sheegay inuu sannado ka hor uu gal-dacwadeed u gudbiyey Maxkamadda Nazareth ee Yuhuudda, kana codsaday in Hay’adda Kheyriga lagu soo wareejiyo Masjidka, balse aysan Maxkamadda weli xukmin go’aankaasi.Waxa kale oo uu tilmaamay in Kiiska Dacwadiisa ku lifaaqay Dukumentiyadda Lahaanshaha iyo liiska qiimaha adeegyadda ee ku baxay.Magaca Masjidka waxay Yuhuudda ku bedeleen Khaan Al-axmar, si ay u lumiyaan Sharafta Masjidka.

Masjidka waxa uu khibrad u leeyahay burburinta iyo wax-ka-bedelkiisa oo soo taxnayd tan iyo markii dhulka Yuhuudda loo abuuray sannadkii 1948-kii.