AKHRISO:- Somalia Iyo Kenya Oo Iska Kaashanayo Baadigoobka Dhakhaatiirtii Kuubaanka Ee La Afduubtay.

0

Taliska Booliska Kenya waxay bartooda Twitter-ka soo dhigeen inay Hay’addaha Ammaanka ee Somalia iyo Kenya ka wada shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa 2-dii Dhakhtar ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay ka soo qafaasheen Degmadda Mandhera ee W/bari ee dalkaasi.

“Hay’addaheenna Ammanaka waxay kala shaqeynayaan Hay’addaha Ammaanka ee DFS sidii Kooxihii afduubtay Dhakhaatiirtaasi looga baadi-goobi lahaa gudaha dalka Somalia, loona soo badbadain lahaa Dhakhaatiirtaasi.

Dhinaca kale, Boliska dalka Kenya waxay sheegeen inay Alshabaab ku tuhunsan yihiin inay gacanta ku hayaan Dhakhaatiirtaasi, isla markaana ay ula soo gudbeen xuduudka Somalia.