AKHRISO:- Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Maroodi-Jeex

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Maroodi-jeex ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo geystay Khasaaro Nafeed uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaasi.

Shilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay saakay deegaan lagu magacaabo Dacar-budhuq,waxaana uu yimid kadib markii gaari yar oo ah nooca raaxada ah uu rogmaday,isla markaana waxa ku geeriyooday 3 ruux oo laba kamid ah ay yihiin rag,halka qof kalena uu yaha Dumar.

Goobta uu shilka ka dhacay aya waxaa dadka deegaanka Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex,isla markaana halkaasi ka qaaday Meydadka dadkii dhintay,waxaana la geeyay Isbitaalka ku yaalla deegaankaas.

Deegaano badan oo ka tirsan Magaalada Hargeysa ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan,kuwaasi oo geystay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac,waxaana shilalkaas loo sababeyaa Wadooyinka qaar ee ku yaalla halkaasi oo ah kuwa aad u burbursan.