AKHRISO:- Puntland oo mamnuucday soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay mamnuuceen soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo waliba Agabka kale ee Ciidamada ay isticmaalaan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Samad Maxamed Gallan oo lagu tixraacayey Digreeto Madaxweyne ayaa waxaa lagu mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale dadka hubeysan ayaa lagu amray inaysan geli karin Garoomada Diyaaradaha iyo dekadda Magalada Boosaaso,hayeeshee ay la geli karaan kaliya mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland.

Amarkaan ayaa waxaa la ogeysiiyey, Taliyeyaasha Ciidamada, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyaga oo lagu amray inay fuliyaan Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Puntland oo tixraacaya amar horay uga soo baxay Madaxaweyne Siciid Deni.