Akhriso:-Isbedel Cusub Oo Lagu Sameeyay Maamulka Degmada Marka Ee Sh/Hoose

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha,dowladaha hoose iyo Dib u heshiisiinta mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii Degmada Marka e Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xoghayihii degmadaas.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa Guddoomiye kuxigeenno cusub iyo Xoghaye loogu magacaabay Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Mas’uuliyiinta la magacaabay ay ka kooban yihiin 6 mas’uul.