AKHRISO:- Dowladda Shiinaha oo Kordhineysa Taageerada Ay Siiso Soomaaliya.

0

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay SONNA ayaa ka hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,Ganacsiga,mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyay Soomaaliya,horumarada la gaaray iyo arrimo kale oo badan.

Mr. Qin Jian: ayaa marka hore wareysigiisa ku sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir saaxiibtimo in ka badan 600 sano ka hor,wuxuuna sheegay in caasimadda Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar ganacsi oo la taaban karo.

“Tan iyo markii dhidibada loo taagay xiriirkii diblomaasiyadeed 1960-kii, xiriirkeenu wuu sii adkaanayay lana jaan qaadayay hadba isbeddelada markaasi jira,waxaan gaarnay natiijooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada,cayaaraha, tiknoolajiyada, daryeelka caafimaadka iyo waxyaabo kale oo badan. Laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991, Dawladda Shiinaha waxay 89 mashruuc ka fulisay Soomaaliya oo ilaa iyo hadda laga xusi karo Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Mogdisho,Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo Tiyaartarka Qaranka,kuwaas oo marqaati u ah xiriirka Saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,” ayuu yiri Safiirka Shiinaha.

Sidoo kale, Dowladda Shiinaha waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay taageerada Soomaaliya,iyadoo mashaariic horumarineed ka fulisay Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladiisa si adag u taageertay nabada,horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,isagoona hadalkiisa intaa ku daray iney kaalin firfircoon ka qaateen taageerada arrimaha bini-adanimada Soomaaliya sida cunada,nafaqada,bixinta Teendhooyin,mara Kaneeco iyo bixinta lacagaha gargaarka deg deg ah ee loo baahan yahay.

Dhanka kale, Mr. Qin Jian ayaa ka hadlay mudada uu joogo xafiiskiisa Soomaaliya Horumarka uu gaaray iyo caqabadaha ka horyimid, wuxuuna Yiri”Waxaan joogaa Soomaaliya muddo ka badan laba sano. Waxaan dareemayaa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad aad isu jecel dadkana jecel,waxay jecel yihiin nabadda, waxayna rajeynayaan nolol wanaagsan, waa dad si adag u shaqeeya, rajadoodana tahay horumarka iyo barwaaqada dalkooda, si la mid ah dadka Shiinaha marwalba waxay yihiin dad jecel nabadda.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa dhowaan waxay heshiis ku kala saxiixdeen Madashii Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC),kaas oo ahmiyad u leh hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, fududeynayana isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.