AKHRISO:- Dad lagu dilay weerar xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

0

Xalay fiidkii ayaa rag hubeysan waxaa ay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ku dileen ilaa Saddex ruux, iyada oo la xaqiijiyey in dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Dilka ayaa yimid kadib markii Ragga hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay Isgoyska deegaanka ceelasha Biyaha,waxaana rasaastaas ku geeriyooday Saddex qof oo gaariga la rasaaseeyey watay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga gaariga rasaaseeyey ay iyana wateen gaari kale,isla markaana weerarka kadib ay goobta ka baxsadeen,waxaana halkaasi meydka dadka ka qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta gaaray.

Weli macada waxa ay ahaayeen saddexda ruux ee gaarigii ay saarnaayeen lagu weeraray ee lagu dilay iyo cidda ka dambeysa dilkooda,waxaana dhacdadaas aad uga naxay dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.

Weerarka dadka lagu dilay ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ciidamada Dowladda ka fulinayen howlgallo kala duwan,isla markaana ay kusoo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa.