Taliyaha Booliska Puntland Oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyeyaal Ciidan oo cusub.

Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Rugta Koontaroolka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,halka kuxigeenkiisa laga dhigay Xiddigle Axmed Ciise Ducaale.

Sidoo kale Wareegtada uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa lagu magacaabay Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed oo noqonaya Taliyaha Saldhiga Boolika Xaafad lagu magacaabo Baalade oo ka tirsan Magaalada Boosaaso.