SAWIRRO:-Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed uga qeyb galay Jaamacad ku taala Bakistaan

0

U qeybsanaha dhinaca Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Bakistaan Cismaan Cabdullaahi Xuseen ayaa faah faahin ka bixiyey kulan ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax kabarta ay kula qaateen Jaamacadda Lahor oo loosoo gaabiyo (VOL) taasi oo ardayda Soomaaliyeed ay kusoo bandhigeen Barnaamij kahadlaya dhaqanka Soomaaliyeed.

Mudane Cismaan Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay in munaasabadda  oo ku saabsaneed maalinta dhaqanka aduunka (international cultural day ay ardayda Soomaaliyeed kaga qeyb galeen bandhig qurux badan oo muujinaya ahmiyadda dhaqanka Soomaaliyeed iyo cunnooyinka Dalka, taasi oo uu tilmaamay iney bogaadiyeen ka qeyb galayaasha.

“Waxaan kulan gaar ah la yeeshay Ardayda Soomalyeed ee wax kabarata University of Lahor, Iswareysi kadib waxaan weydiiyey hadii ay jiraan caqabado ay la kulmaan, runtii aad ayey ugu faraxsanaayeen waxbarashadooda iyo ixtiraamka ay kala kulmaan bulshada ay la noolyihiin”ayuu yiri Mudane Cismaan Cabdullaahi Xuseen

U qeybsanaha dhinaca Waxbarashada iyo Dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Bakistaan Cismaan Cabdullaahi Xuseen ayaa xusay in ardayda uu u balan qaaday in ay wax kala qaban doonaan culeys waliba oo soo wajaha, arintaas oo ay aad ugu farxeen ardayda.