Kulanka Baarlamaanka ee looga hadlayay arrimaha Amniga oo furmay

0

Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ajandihiisa ahaa maanta Dooda la xiriirta arrimaha Amniga iyo su’aalo weydiinta Wasiirada qaabilsan Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa goor dhow furmay.

Inkastoo kulanka uu saacado dib uga dhacay, markii uu soo dhameystirmi waayay kooramka ayaa Xildhibaanada badankood ay gadaal ka yimaadeen, waxaana goor dhow furay kulanka Guddoomiye Maxamed Mursal.

Kulanka ayaa ku furmay illaa 150 Xildhibaan oo ah kooramka inta soo xaadirtay, waxaana Guddoomiye Maxamed Mursal ku dhawaaqay inuu kulanka furan yahay, isagoo ku wargeliyay Xildhibaanada in su’aalahooda aysan ka badnaa hal daqiiqo, isla markaana jawaabuhu yihiin 3 daqiiqo.

Waxaa hoolka Xarunta Baarlamaanka ku sugan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe, Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Milateriga, Asluubta iyo Kusimaha Taliyaha NISA.

Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo aan imaan kulankii buuqa ku dhamaaday ee todobaadkii hore ayaa saaka si lama filaan ah loogu arkay xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu ka soo jawaabay amarkii u yeerida Guddoonka Baarlamaanka.

Fahad Yaasiin oo horay u soo ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka Al Jazeera ayaa tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray noqday nin ka dhuunta ama iska qariya fagaarayaasha ama meelaha dadka isugu yimaadaan, taasoo lagu tilmaamay dhaqan ka duwan dadka siyaasadda ku jira, inkastoo uu yahay nin saameyn badan, horayna loo arkay, hadana ficiladiisa qaar ayaa loo arkaa sida kuwa Kooxaha Islaamiyiinta qaar ee is qariya.

Dooda kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa banaanka ka jooga Warbaahinta, waxaana loo arkaa mid aan macno badan yeelan doonin, marka loo eego in bulshada aanay wax badan ka ogaan karin kulanka albaabada u xiran.