DHAGEYSO+SAWIRRO:-R/wasaare kuxigeenka dalka oo ka qeybgalay munaasabad ay xilka kul wareegeysay wasiirka Tamarta

0

Munaasabada ay xilka kula wareegaysay wasiirka cusub ee wasaradada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS waxaa ka qeybgalay raiisul wasaare kuxigeenka dalka,wasiiro ka tirsan XFS xildhibaano iyo marti sharaf kale,waxaana mas’uuliyiintii ka hadashey u rajeeyey wasiirka cusub in xilka illahay uu ku guuleeyo.

Xubnaha ka geybgalay waxaa kamid ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska raiiusl wasaaraha,wasiiru dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha,xildhibaano,waxaana dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadda ay u hambalyeeyeen wasiirka cusub,islamarkana ay ku booriyeen in ay dardargeliso howlaha horyaala.

Wasiir kuxigeenka tamarta ahaana siihayihii wasiirka ayaa faah faahiyay waxqabadka wasaaradda mudadii ay jirtay,waxaana uu sheegay in ay jiraan mashaariic farabadan oo wasaaradda u qorsheysan in dalka ay ka hirgeliso iyo kuwo kale oo ay qabatay,isagoona xilka si rasmi ah ugu wareejiya wasiirka cusub,maadaama uu ahaa sii hayihii xilkaasi.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa Marwo Fowsiyo Maxamed Sheeekh ayaa codsatay in lagala shaqeeeyo xilka cusub eee loo magacaabay,waxaana ay balanqaaday in ay ka shaqeynayso horumarinta howlaha wasaaradda.

Raiisul wasaaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in wasaaraddu ay muhiimada gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed.,wuxuuna kula dardaarmay wasiir Fowsiyo in ay halkeedi ka amba qaado howlaha wasaradda